Dagaal Culus Oo Iskiis U Istaagey Oo Xaley Ka Dhacey Degmada Tiyeeglow

0
203

Tiyeeglow(INO) Dagaal culus, ayaa Xaley  hareeraha Degmada Tiyeeglow ee Gobolka Bakool, iyadoo dagaalka uu yahay mid marar badan leesku soo noq noqday.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada  Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa Isniintii gaaray afaafka hore ee Degmadaasi, waxayna taasi keentay inay isaga baxaan maleeshiyada Al Shabaab.

Maleeshiyada Al Shabaab, ayaa gelinkii dambe ee Isniintii weerar ku soo qaaday Ciidamada Xoogga iyo kuwa Koonfur Galbeed, iyadoona dib loo caabiyay.

Shabaabka oo dib isu soo abaabulay, ayaa Shaley weerar dhawr jiho leh ku soo qaaday labada ciidan, iyadoo markale la iska difaacay, laguna khasbay inay dib ugu gurtaan goobihii ay weerarka ka soo qaadeen.

Shabaabka, ayaa markale duhurnimadii  shaley maanta weerar ballaaran ku soo qaaday labada ciidan, waxaana la soo sheegaya in markale dib loo caabiyay.

Gelinkii dambe ee  shaley  dagaalkii ay Shabaabku ku soo qaadeen labada ciidan, ayaa illaa Xaley ka soconayay wadooyinka soo gala Degmada Tiyeeglow, waxaana dagaalkan lagu sheegay noociisii ugu xooganaa oo labada dhinac isaga horyimaadan, tan iyo shalay galab.

Taliyaha Guutada 8-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo), ayaa sheegay in dagaalkan ay mintidiinta kaga dileen 50 nin, halka dhinacooda looga dilay lix askari, sida uu yiri.

Ugu dambeyntii, Xildhibaan Ibraahim Xasan Buule oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed, ayaa ujeedadooda ku tilmaamay, sidii shacabka deegaanka looga dulqaadi lahaa heeryada Al Shabaab.