Dagaal culus oo Ciidamada Kenya iyo Al Shabaab ku dhexmaray gudaha Kenya

0
187

Mandera ( INO)-Dagaalkaan oo bilowday shalay gelinkii dambe kadib markii Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidanka Kenya ku leeyihiin deegaanka Fino oo hoostaga Magaalada Mandera islamarkaana soo gaaray illaa saaka.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad u xoogan oo ay ka qeyb qaateen diyaarado dagaal.

Waxaana la soo sheegayaa khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh in ay ka dhasheen dagaalkaasi.

Laakin ma cadda xaddiga khasaarahaasi uu gaarsiisan yahay , ee ka dhashay dagaalka ka dhacay Mandera.

Dagaalkaan ayaa u muuqday mid ka culus weeraradii hore ee ka dhici Jiray gudaha dalka Kenya sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.