Dhuusmareeb; Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Gobalka Galgaduud, dagaal beeleed khasaaro geystay ayaa maanta wuxuu ka dhacay deegaano hoostaga Degmada Dhuusomareeb ee Gobalka Galgaduud.Laba qof ayaa ku dhimatay, tiro kalana way ku dhaawacmeen dagaalka maleeshiya beeleed ku dhexmaray deegaanka Dhaban-dhulkuheys oo 35 KM dhinaca koofureed uga beegan magaalada Dhuusamarreeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Dagaalka ayaa salka ku haya muran ka dhashay gacan ku heynta ceel biyood ku yaala degeaankaas, waxaana wararka ay sheegayaan in hada xaalada deeganadii lagu dagaalamay ay tahay mid degan.
Maamulka Degmada Dhuusomareeb oo aan la xiriirnay ayaa sheegay inay ku baxeen dagaalkaasi, sidii loo xalin lahaa inkastoo weli aysan faah-faahin ka bixin dagaalkaasi.
Gobalka Galgaduud, ayaa waxaa kusoo noq-noqday dagaalada udhaxeeya Maleeshiyo beeleedka isku haysta dhulka iyo ceelbiyoodyada.
Idale News Online, Dhuusamareeb.