Baladweyne (INO)—Wararka laga helayo Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in Dagaal Culus oo u dhxeeya labo Maleeshiyo Beeleed uu ka qarxay Degaan dhanka Galbeed ka xiga Magaalo madaxd Gobolka Hiiraan.
Dagaalkan u dhaxeeya labada Maleeshiyo Beeleed ayaa waxuu ka dhacay Degaanka Baar-gacan-laaw oo qiyaas ahaan 35Km dhanka Galbeedka uga beegan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro kala duwan oo gaaray labada dhinac.
Maamulka Degmad Baladweyne ayaa dhawaan heshiis kala dhex dhigay labada maleeshiyo Beeleed waxaana haatan muuqata in heshiiskaasi uu burburay maadaama labada dhinac ay Dagaalamayaan.
Weli ma jiraan wax waan waan ah oo laga dhex wada beelahan ku dirirsan Baar-gacan-laaw oo qiyaas ahaan 35Km dhanka Galbeedka uga beegan Magaalada Baladweyne.
Sikastaba, Xiisad u dhaxeysa labad dhinac ayaa weli ka taagan Degaanka waxana laga cabsi qabaa in markale halkaasi ay ka bilaawdo Dagaal beeleedkaasi.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay