Dagaal Ba’an Oo Maanta Gilgiley Degaanka Buur-Eyle Ee Gobolka Bay

0
457

Buurhakaba ( INO)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bay gaar ahaan degmada Buurhakaba ayaa ku soo  warramaya in dagaal culus uu maanta ka dhacay deegaan lagu Magacaabo Buur Ayle oo qiyaas ahaan 20 KM dhinaca Waqooyi kaga beegan degmada Buurhakaba.

Dagaalka oo u dhexeeyay Ciidamada dowladda Koonfur Galbeed Soomaaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab ayaa la sheegay in uu ka dhashay kadib markii Ciidamada huwanta oo ka soo baxay degmada Buurhakaba ay u qaateen Al Shabaab in ay ku soo wajahan yihiin Ciidamada Ethiopia ayna isaga baxeen deegaankaasi hayeeshee Ciidamada dowladda Soomaaliya oo dhac ku haya goobaha ganacsi ee deegaanka ay Al Shabaab-ku weerar rogaal Celis ah ku soo qaadeen, sidaas waxaa IdaleNews.com e u xaqiijiyay qaar ka mid ah dadka deegaanka

Dhinaciisa Guddoomiyaha degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay Maxamed Cabdi Maxamed ayaa Shabelle  u sheegay in Ciidamadooda ay weerareen Buur Ayle ayna gacanta ku dhigeen sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntii, Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xarakada Al Shabaab ee ay kaga warbixinayaan dagaalkaasi ka dhacay Buur Eyle ee Gobolka Bay.

Idale News Online, Buurhakaba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here