Dadkii kasoo barakacay degmada Qoryooleey oo nolol xumo ku heysato duleedka Muqdisho.

0
208

In ka badan 12 qoys Soomaali ah ayaa nolol xumo ku heysato deegaanka 13 ee duleedka Magaalada Muqdisho kuwaasoo dhawaan kasoo barakacay dagaaladii dhawaan ka dhacay degmada Qoryooleey gobolka Sh.hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dadkaan oo iskugu jira caruur , haween iyo dad da’ ah ayaa waxay 10 maalmood ku dhibaateesan yihiin deegaanka 13 halkaasi oo ay dul saar ku yihiin dad horay uga soo barakacay dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xaliimo Maxamed Siidow oo ka mid ah dadkii kasoo barakay degmada Qoryooleey oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in dagaaladii ka dhacay qoryooley uu burburiyay hoygii ugu yiilay degmada Qoryooley gobolka Sh.hoose ee KGS.

Hooyo Xaliimo Maxamed Siidow oo sii wadata hadalkeeda ayaa sheegtay in dagaalada ay ka baabi’yeen xoolihii iyo beerihii ay ku lahayd Qoryooleey taasoo iminka ku qasabtay in ay usoo barakacdo duleedka Muqdisho.

Sidoo kale dadka kale ee kasoo barakacay Degmada Qoryooley ayaa kusoo sheegaya dhibaatada ay kala soo kulmeen dagaaladii dhawaan ka degmadaasi kaasoo sababay in ay ku hanti beelaan kumanaan shacab ee degnaa Qoryooleey.

Isku soo waduuboo majirto ilaa iyo iminka cid isku howshay wax ka qabashada dhibaatada soo gaartay shacabkii sida arxan darada ah loogu dul dagaalamay kuwaasoo iminka la’ meel ay ku hoydaan iyo wax ay cunaan intuba.

barakacayaal

Idale News Online.