Dadka Kenyan-ka ee Degan Lamu oo bilaabay inay barakacaan, cabsi Shabaab ay ka qabaan

0
192

Lemu(INO)-Dadka Kenyan-ka ee ku nool deeganada ku xeeran Degmada Lamu ee Gobolka Xeebta dalka Kenya, ayaa bilaabay inay halkaasi isaga barakacaan, kadib markii ay cabsi ka muujiyeen Ururka Shabaab oo fariimo hanjabaad ah u diray dadkaasi.

Nin ka mid ah dadka deegaanka Pandaguo oo dhulka Keynta u doontay Malab, ayaa si lama filaan ah ula kulmay rag hubaysan oo Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo tiradooda gaaraysa 6 ruux.

Mr Musa Genje ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 6 nin oo aad u hubeysan, kuwaasoo handaday kadibna ugu hanjabay in ay af duubanayaan, iyagoo markii dambena iska sii daayay.

Ninkaan ayaa sheegay meesha uu ku arkay dadkaasi hubaysan ee Shabaabka ka tirsan inay tahay meel 6 KM u jirta Xaafada uu degan yahay, taasi oo walaac xoogan ku abuurtay.

Markii uu soo gaarsiiyay dadka deegaanka Fariinta ayaa waxaa halkaasi ka biloowday Barakac ay sameynayaan dadka, maadaama ay muujiyeen walaac ku aadan Shabaab inay dilaan.

Shabaab ayaa shalay waxa ay rasaaseeyeen gaari Bas ah duleedka Magaalada Mandhera, kadib markii ay wadada u galeen, waxa ay halkaasi ku dileen 2 ruux halka labo kalena ay ku dhaawaceen.

Dhulka Kaymaha Boni, waxaa la aaminsan yahay inay ka buuxaan rag badan oo Shabaab ka tirsan, kuwaasi oo fariisimo waaweyn halkaasi ku leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here