Dad maanta lagu dilay, laguna dhaawacay Degmada Afgooye

0
344

Muqdisho(INO)-Laba ruux, ayaa waxaa maanta lagu dilay Suuqa Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo saddex kalana ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen.

Dadkaasi, ayaa ku waxyeeloobay rasaas ay fureen Ciidamada Minishiibiyada ee Degmada Afgooye, xilli bambo gacmeyd lagu weeraray, iyagoo hawlo canshuur qaadis ah ka waday Suuqa Degmadaasi.

Qaraxa lagu soo weeraray askarta, ayaan waxyeelo ka soo gaarin Ciidamada Minishiibiyada iyo dadkii halkaasi ka dukaameysanayay.

Askarta waxaa la tilmaamay inay ku argagaxeen qaraxaasi, taasina ay keentay in rasaas xoogan ay dhowr jiho u furaan, iyadoo dad rayid ahna ay ku waxyeeloobeen.

Ciidamada Dowladda, ayaa ka tagey Suuqa Degmada Afgooye, iyagoo aan wax gurmad ah u fidin dadkaasi. Dad ku sugnaa Suuqa Afgooye, ayaa ku ooriyay askartii.

Maamulka Degmada Afgooye iyo Saraakiisha Booliska, ayaan ka hadlin dhibaatada dadka rayidka ah ka soo gaartay rasaasta ay fureen Ciidamada Mnishiibiyada.

Idale News Online, Muqdisho.