Dad Loo Heysto Weerarkii Kampala Oo Lagu Maxkamadeynayo Dalka Uganda

0
311

Kampala ( INO)-Maxkamad ku taala dalka Uganda, ayaa lagu wadaa in maanta ay xukuno ku rido 13 qof, oo loo haysto weerar xoogan bishii July ee sanadkii 2010-ka ka dhacay Magaalada Kampala.

Muwaadiniintan u dhashay Dalalka Kenya iyo Uganda ee loo heysto Weerarkaasi Ismiidaaminta ahaa ayaa la filayaa in Maxkamada ay go’aan ka gaarto.

Qaraxyadaasi oo mas’uuliyadoodu ay sheegteen Xarakada Al Shabaab ayaa wax ku dhintay 76 Ruux, oo halkaasi ku daawanayay dhamaadka Koobka Aduunka.

Dacwad oogayaasha Dalka Uganda weli ma aysan sheegin hadii Dadkaan ay gudaha kala shaqeeyeen Xarakada Al Shabaab oo dhabarka u ridatay mas’uuliyada Weerarkaasi.

Uganda ayaa Dalka Soomaaliya waxaa ka jooga Kumanaan Askari oo qeybo ka ah howlgalka Midogw Afrika ee AMISOM, kaasi oo lagula Dagaalamayo Xarakada Al Shabaab.

Idale News Online, Kampala