Dad haraad ugu geeriyooday gobolka Galgaduud/

0
194

Ugu yaraan labo qof ayaa la xaqiijiyay inay haraad owgiiis ugu dhinteen Galgadud halka labo kalena sidoo kale isla haraadka u dhinteen maalmahii lasoo dhaafay.

Biyo la’aantan ba’an ayaa waxay ilaa hada sababtay dhimashada afartan qof oo labo ka mid ah ay geeriyoodeen 24 saac ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale waxaa biyo la’aantan keentay inay dadka deegaanka xoolaha badankoodii ka bakhtiyaan madaama abaar iyo biyo la’aan qoto dheer soo wajahday.

Maxamed Cabdulle Rogobeey oo ah nabadoon caan ka ah gobolkaas ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in gurmad biyo dhaamin ah lagu dhawaaqay si loo badbaadiyo dadka ku dhaqan gobolka oo abaar iyo biyo la’aan ba’an ay soo wajahday.

Nabadoonka ayaa sidoo kale sheegay inay ay jiraan xoolo badan oo u bakhtyay biyo la’aan owgood sidoo kalena dadka deegaan ka ay u baahin yahiin gurmad degdeg ah oo intaan ka balaaran si looga hortago dhimasho intaan ka badan.

Rogobeey ayaa ka codsaday dowladda federaalka, Hay’addaha gargaarka iyo dhamaan walaalaha soomaaliyeed inay usoo gargaaraan walaalahood biyo la’aanta ugu dhimanaya Galgaduud.

galgaduud

Idale News Online.