Dabley Hubeysan oo dad ku laayey Saldhig Ciidan oo ku yaala magaalada Mandheere ee dalka Kenya

0
291

Dabley aan la aqoonin ayaa xalay abaarihii 03:00 habeenimo weerar ku qaaday saldhig Boolis oo kuyaala agagaarka xafiiska gudoomiyaha degmada Mandheera waxayna weerarkaas ku dileen 2 askari oo katirsan ciidamada Administration Police(AP) halka 2 kale ay si xun u dhaawaceen sida uu sheegay taliyaha degmada Wajeer Rono Bunei.

kenya

Rono Bunei wuxuu sheegay in hal askari isla markiiba uu dhintay halka kan kalana uu dhaawicii u dhintay.Diyaarad helicopter ah ayaa laga diray Nairobi si ay usoo qaado labada askari ee dhaawacmay.

Dilkan ayaa yimid saacado un katib qaraxii xalay ka dhacay Wajeer ee halka ruux ku dhintay afar qof oo kalana ay ku dhaawacmeen.

Idale News Online