Dab Baabi’iyey Suuqa Degmada Kurtunwaarey Ee G/Sh/Hoose

0
265

Kurtunwaarey (INO) — Dab xoogan ayaa Xalay Cagta mariyay Suuq weyn oo ku yaalla Degmada Kurtunwaarey, ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Teaser Image Dab baabi’iyey Suuqa Degmada Kurtunwaarey

Dabka ayaa baabi’iyay Suuqa oo lagu iibin jiray Dharka, Daawada Xoolaha & Alaabta Maacuunta ah, waxaana Ganacsatadii lahayd ee xoolahooda ku waayay Masiibada ay codsadeen in la caawiyo.

Ma jirin Cid usoo gurmatay Suuqa gubtay, maadaama xilliga uu ahaa Xilli Habeen ah, islamarkaana aysan lahayn Degmada Gaadiidka dabdamiska, ee lagula tacaalo masiibooyinka noocan ah.

Shacabka Degmada ayaa saakay kusoo toosay Suuqii ay wax ka iibsan jireen ooo gubtay, waxaana ay Maanta helaynin Goobo ay ka iibsadaan adeegyadii ay k aheli jireen Suuqa gubtay Xalay.

Idale News Online – Kurtunwaarey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here