Daawo: 37 Qoys Oo Qaxooti Ah Oo Kasoo Laabtay Xeryaha Dhadhaab Oo Soo Gaarey Baydhabo

0
217

Baydhabo(INO)- Waxaa jira qoysas si iskood ah kaga soo laabtay xeryaha qaxootiga Kenya ee Dhadhaab kuwaasi oo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, laguna soo dhaweeyay magaalada.

Qoysaska kasoo laabtay xeryaha Dhadhaab ayaa la sheegay iney gaarayaan ku dhawaad 40 qoys oo muddo ka badan 10 sano deganaa xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.

Liibaan Sheekh Shuceyb oo ah Agaasimaha Wasaarada Dib u dajinta iyo Arimaha Jaaliyaha Ee Dowlada Koofur Galbeed ayaa sheegay in qoysaskaasi soo dhaweyn wanaagsan loogu sameeyay magaalada Baydhabo.

Qoysaska ku laabtay magaalada Baydhabo ayaa dhankooda sheegay iney ka koobnaayeen 37 qoys ayna ku faraxsan yihiin iney dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.

Halkan Ka Daawo

 Idale News Online,
News Desk

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here