Daawo:Xisbi Siyaasadeed Cusub uu Gudoomiye ka yahay Siyaasi Caan ah oo Muqdisho looga dhawaaqay

0
220

Muqdisho(INO)-Xaflad ka dhacday Hoteel Saxafi ee magaalada Muqdisho oo lagu daah furayay xisbiga cusub ee XIIS ayaanan loo kala harin kasoo qeybgalkeeda, waxaana si weyn oga dhex muuqdey dad ka kala yimid inta badan 18-ka gobol ee dalka oo miisaan iyo mug siyaasadeed ku leh dalka.

Ra’isulwasaarihii Soomaaliya Maxamed Cabdi Yuusuf, Axmed Macalin Fiqi oo ah musharax gobolada dhexe, Faadumo Cabdullaahi Insaaniya oo uu dhalay mid ka mid ah raggii asaasay SYL, Xildhibaan Maxamed Cabdi Shuuriye, Siyaasiga Cabdi Shire , iyo dad kala duwan oo bulshada ka tirsab sida midoowga Ardayda Jaamacadaha Gobolka Banaadir.

Cabdulaahi Cilmooge oo madasha ka hadlay ayaa sheegey in aysan muuqan saansaanta in la gaarayo hiigsiga 2016-ka, sidaasi darteed loo baahanyahay in la furo tashi qaran si dalka loogu jiheeyo horumar.

Mar uu ka hadlayay lacagaha tirada badan ee wadamada carrabta ay ku harqiyaan dadka doonaya in ay qabtaan xilka ugu sareeya dalka ayuu yiri “ma jirto meel adduunka ka mid ah oo laga ogolyahay in dalal shisheeye ay fan gareeyaan olole doorasho, Waxaan ka codsanayaa baarlamaanka sharafta leh in ay sharciyo kasoo saaraan arrintaasi, waayo dalkii lacagta ku gashay ayuu hadhoowna qofka daacad u yahay, una shaqaynayaa marka xilka madaxtinimada loo doorto”.

Waxa uu walwal ka muujiyey xawaaladaha Soomaalida ee Maraykanka akoonadii laga xirey, isaga oo tilmaamay intaasi ay ka dhigantahay masiibo dad samee ah oo ku habsan karta malaayiinta Soomaalida ee noloshooda ku tiirsantahay biilka ay ehelkooda oga soo diraan Maraykanka, “Dowladda Maraykanka codsi ayaan u direynaa xisbi ahaa, hawl badana horey waan oga qabanay, hadana gacmaha isma dulsaaran doonno” ayuu yiri.

Dhamaan dadkii ka hadlay xafladda ayaa bogaadiyey xisbiga cusub, waxayna ku tilmaameen rajo cusub oo usoo bidhaameysa Soomaaliya mar haddii inta fikir ku midoobaan dadka Soomaaliyeed, kadibna ku wada shaqayn karaan iyada oo aanan qabiil la eegin.

Faadumo Cabdullaahi Insaaniya ayaa sheegtey in xisbigii SYL uu kusoo shaqeeyey duruufo intan ka adag, iyaduna ay aaminsantahay in haddii isku day la sameeyo wax badan la hagaajin karo.

Cilmooge ayaa ka mid ahaa madaxdii Soomaalida kuwoodii ugu waxqabadka fiicnaa tan iyo intii kumeelgaarka laga baxay, iyada oo lagu xusuustey dadaalkii uu u galay in xayiraaddii caalamiga ahayd laga qaado garoonka Aadan Cadde, hawshiisa dhismaha la gudo galo, islamarkaasina lasoo wareejiyo maamulka hawada ee Soomaalida, waxaa sidoo kale lagu xusuustaa dib u hawlgalinta adeeggii boostada ee Soomaaliya.

Aragtiyada waaweyn ee xisbiga Xiis waxaa ka mid ah

1-Nabadgalyada
2-Caddaaladda iyo Dib u heshiisiin dhab ah
3-Fulinta iyo Xoojinta Sharciga dalka
4-Dhismaha Hay’adaha dawladda iyo Adeegga bulshada
5-Siyaasadda iyo Maamul wanaagga
6-Xoojinta Doorka Dumarka iyo Dhalinyarada
7-Xiriirka Caalamiga ah
8-Adkeynta iyo Xoojinta Xoriyadda iyo Fikirka
9- Dhameystirka Nadaamka Federaalka ah















 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here