Muqdisho(INO)-Maalintii shalay aheyd ayuu Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU uu ku qabtay hotel Diplomatic ee magaalada Muqdisho xaflad si weyn loosoo agaasimay oo lagu xusayay maalinta shaqaalaha adduunka ee ku began maanta oo Jimca ah.
Xuskan ayaa waxaa kasoo qeyb galay in ka badan 200 qof oo isugu jira xubnaha iyo madaxda ururada shaqaalaha Soomaaliyeed, siyaasiyiin iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed.
Ku Xigeenka Xoghayaha Guud ee FESTU, Maxamed Warsame Sandhool ayaa sheegay in Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed uu hambalyo iyo bogaadin u dirayo shaqaalaha soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, asaga oo u rajeeyay in barwaaqo iyo bash-bash ay ku gaaraan sanadkan kiisa xiga.
Mxamed Warsame Sandhool ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay dhamaan ka qeyb galayaasha xaflada dabaal degan.
Xafladan lagu xusayay ayaa lagu soo bandhigay suugaan iyo ruwaayado kala duwan oo ka turjumaya shaqaalaha Soomaaliyeed, dhibaatada lagu hayo, iyo duruufaha adage ee ay ku shaqeeyaan. Munaasabadan ayaa waxaa loogu duceeyay shaqaalaha Soomaaliyeed ee ku dhintay ama ku dhaawacmay weeraradii lala beegsaday hotel-lo ku yaala magaalada Muqdisho.
Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa xusuus gaar ah u sameeyay danjiye Yuusuf Max’ed Ismaciil Bari Bari oo ahaa danjira Soomaaliya u fadhiyay dalka Switzerland. Danjire Yusuf Bari Bari oo ku geeriyooday weerarkii lagu qaaday hotel Maka Al-Mukaramah ayaa ahaa mas’uul si weyn ugu istaagay difaacitaanka iyo u hiilinta shaqaalaha Soomaaliyeed.
Xoghayaha Guud ee Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee FESTU Cumar Faaruuq Cusmaan ayaa ka hadlan gunaanadkii xafladan asaga oo kasoo jeediyay khudbad aad u dheer oo taabanaysa arrimo badan.
Cumar Faaruuq waxaa uu sheegay in shaqaalaha Soomaaliyeed ay la kulmaan xadgudubyo xad-dhaaf ah, in ay shaqeeyaan saacado badan oo aan wax mushaarad ah lagu siinin, in lagu soo weeraro meelaha ay ka shaqeeyaan oo ay ku dhintaan ama ku dhaawac-maan ayaga oo ku guda jira waajibaadkooda shaqo.
Xoghayaha Guud ee FESTU waxaa uu sheegay in loo baahan yahay la joojiyo tacadiyada ka dhanka ah shaqaalaha Soomaaliyeed iyo ururadooda kuwaas oo ay mararka qaar ay ku dhaqaaqan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ayaga oo ku tagrifalaya awoodooda dowliga ah.
“FESTU waxay hormuur ka tahay ururada shaqaalaha Soomaaliyeed ayadoo ku hageyso kuna abaabulayso in maalinta shaqaalaha aduunka iyo wixii ka dambeeyaba sidii loo xaqiijin lahaa oo hormarin lahaa difaacitaanka xuquuqda iyo danaha shaqaalaha” ayuu yiri Cumar Faaruuq Cusmaan.
Ka qeyb-galayaasha xafladan lagu xusayo isla markaana lagu weynaynayo Maalinta weyn ee shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa muujiyay dareen weyn oo ku aadan fulin la’aanta heshiisyada ay Soomaaliya soo gashay ee ku aadan dhowrista, xurmeynta iyo difaacitaanka xuquuqda shaqaalaha iyo ururadooda ee hay’adda ILO.
Hogaanka iyo xubnaha FESTU waxaa ay cambaareeyeen dhibaateynta iyo bahdilka lagu hayo shaqaalaha Soomaaliyeed ee u taagan in ay si xalaal ah u shaqeynstaan. FESTU waxay ugu baaqday dowladda federaalka in ay hogaan ka noqoto shaqo abuuris wanaagsan iyo in la joojiyo tacadiyada hadda socda oo ay ku lugleeyihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.
Idale News Online, Muqdisho