Daawo:Xariirka Benjamin Netenyahu iyo Brack Obama oo Mugdi sii galaya

0
220

New York(INO)-RW Maamulka Isra’iil Benjamin Netenyahu ayaa booqasho ku tagaya magaalada Washington ee caasimada Maraykanka, balse Madaxweyne Obama ayaa sheegay inuusan qaabili doonin hogaamiyaha Isra’iil.

usa-israel-obama-netanyahu

Netenyahu ayaa marti qaad ka helay mucaaridka Maraykanka ee xisbiga Jamhuuriga, waxaana lagu wadaa inuu khudbad kasoo jeediyo xarunta Baarlamaanka.

Aqalka Cad ee looga taliyo Maraykanka ayaa sheegay inaysan waxna kala socon booqashada Netenyahu ku imaanayo Maraykanka. Sidoo kale Xoghayaha Maraykanka John Kerry ayaa sheegay in casumaadan uu ka helay Netenyahu dhanka Guddoonka Baarlamaanka, balse xukuumada aysan waxna kala socon.

Halkan Ka Daawo.

Xiriirka Obama iyo Netenyahu ayaa ah mid sii xumaanayey in muddo ah, waxaana arrintan loo aaneenayaa kala aragti duwanaasho salka ku heysa xalinta xiisada Bariga dhexe iyo waliba wadahadalada nabad ee u dhaxeeya Maraykanka iyo Iran.

Netenyahu ayaa lagu wadaa inuu cambaareeyo wax heshiis ah oo lala galo Iran isagoo ugu baaqi doono Baarlamaanka Maraykanka inuu ka horjoogsado xukuumada Obama inay wax heshiis ah la gasho Iran.

Obama ayaa dhankiisa sheegay in hadii Baarlamaanka Maraykanka oo ay hada hogaanka u hayaan xisbiga Jamhuuriga ay faro gelin ku sameeyaan wadahadalada Iran in uu adeegsan doono awoodiisa Madaxweynaha.

Isra’iil ayaa olole xoogan ugu jirta inay carqaladeyso wadahadalka u dhaxeeya reer Galbeedka uu hogaaminayo Marayanka iyo Iran kuwaasi oo dhamaadka bishan Maarso doonaya in heshiis laga gaaro barnaamijka Nukliyerka Iran ee xiisada weyn ka taagan tahay.

Madaxda Isra’iil ayaa horey warar xasaasi ah saxaafada u gudbiyey iyagoo ku eedeeyey Maraykanka iyo Reer Galbeedka in ay aamineen khiyaanada Iran dooneyso inay wakhtiga kusii dheeraysato inta ay ka gaareyso yoolkeeda oo ah inay sameysato hubka Nukliyeerka oo ay sheegtay Isra’iil in khatar ay ku tahay amaankeeda.

Xiriirka Netenyahu iyo Xisbiga Jamhuuriga ayaa ah mid la doonayo in lagu cadaadiyo Madaxweynaha Marayanka Barack Obama, balse dhanka kale Netenyahu ayaa doonaya in safarkiisan uu u isticmaalo doorashooyinka dhawaanka ka dhici doona Isra’iil si uu ugu muujiyo Israa’iiliyiinta in weli uu xiriir la leeyahay dowlada Maraykanka oo ah tan taageerada ugu weyn siisa maamulkaasi.

Idale News Online, New York.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here