Washington(INO)— Nancy Reagan oo ahayd xaaskii uu ka geeriyooday madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Ronald Reagan ayaa ku geeriyootay degmada Bel Air ee Los Angeles.
Nancy Reagan ayaa ahayd 94 sano jir ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay hayay xanuun waxaana la sheegay inay u geeriyootay wadno xanuun.
Muddo 52 sano ah oo ay u dhaxeysay Ronald Reagan ayaa lagu tilmaamay inay ka dhaxeysay taariiqdii jacaylka ee Madaxweynayaashii soo maray dalka Maraykanka.
Markii uu la wareegay odaygeedii Aqalka Cad ee Maraykanka 1981dii ayaa lagu eedeeyay Mrs Reagan in dhaqaale badan ay gelisay xarunta loogaga taliyo dalka Maraykanka.
Afhayeen u hadlay qoyska Reagan ayaa sheegtay in lagu aasi doono meydka Nancy xabaalihii lagu aasay seygeedii Ronald Wilson Reagan oo geeriyooday June 5, 2004.