Jakarta(INO)— Qaraxyo ayaa ruxay caasimada Indonesia ee Jakarta, iyadoo ay daba socdeen rasaas xoogan, kadib markii dabley hubeysan ay weerareen xarun ganacsi oo laga dukameysto, taasoo ku dhow Xafiiska Qaramada Midoobey.
Booliska ayaa sheegay in ugu yaraan la dilay afar ka mid ah dableydii hubeysneyd, iyadoo aanay wali kala cadeyn cida weerarka soo qaaday.
Weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa ka dhacay banaanka xarunta laga dukaameysto oo lagu magacaabo Sarinah oo ku taal bartamaha Jakarta.
Qaraxyo iyo rasaas ayaa muddo hal saac ku dhow la maqlayay, waxaana loo maleynaya in dableyda hubeysneyd ay beegsanayeen goobo bartilmaameed ahaa.
Ciidamada Booliska ayaa isku gadaamay goobta ay dableyda weerareen oo ah goobo aad u mashquul badan oo ku yaalaan dukaamo ganacsi iyo goobo laga qaxweeyo.
Warbaahinta caalamiga ayaa sheegeysa in lix ruux ku dhinteen weerarkaas oo afar ka mid ah yihiin dableydii weerarka qaaday.
Waxaa la arkayay meydad yaala wadooyinka iyo dhaawacyada dad kale oo laga soo saarayay goobta, waxaana la xaqiijiyay in hal askari ku dhaawacmay.
Indonesia oo ah wadanka ugu badan ee Muslimiinta Adduunka ayaa waxaa horay uga dhacay weeraro argagixiso oo ay sheegteen kooxo Islaami ah, iyadoo weerarkii ugu dhimashada badnaa ee dalkaas soo mara muddo 10-sano ka badan ka dhacay Jaziirada Bali oo loo dalxiis tago.
Idale News Online, Jakarta