Daawo:Weerar mindi loo adeegsaday oo xalay ka dhacay Magaalada London

0
180

London(INO)- Nin mindi ku hubeysnaa, ayaa xalay dad ku weeraray Magaalada London ee Xarunta Britain, iyadoo uu dilay haweeney, halka lix kalana uu dhaawacay.

Weerarkan, ayaa wuxuu ka dhacay Fagaaraha Russell Square ee Bartamaha Magaalada London. Ciidamada Booliska oo goobtaasi gaaray, ayaa gacanta ku dhigay ninkaasi.

Ninkaan, ayaa waxaa hadda lagu hayaa isbitaal lagula tacaalaayo xaaladiisa caafimaadeed, ka dib markii uu ku dhaawacmay rasaas uu ku furay Sarkaal Booliska ka tirsan.

Booliska, ayaa da’da ninkaan ku sheegay 19 jir. Weerarkan waxaa lala xiriirinayaa inuu ka dhashay xanuun dhinaca maskaxda ah

Britain, ayaa waxay toddobaadkan kordhisay Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Magaalada London, iyadoo 600 oo ciidan hubeysan lagu kordhiyay tiradii horey kaga hawlgaleysay  Caasimadda London.

Taliyaha Ciidamada Booliska Britain, Bernard Hogan-howe, ayaa sheegay weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Qaaradda Yurub inay Britain ku dhaliyeen, in ay xoojiso tallaabada ay dadkeeda ku difaacayso.

Halkan Ka Daawo Sawiro

London London1 London2 London3 London4

russell sqaure crime scene                       ---------------------------------please use byline    PALACE LEE