Baydhab(INO)- Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Saadaad Maxamed Nuur Caliyow, Wasiiro Ka Tirsan Dowlada KGS Iyo Mas’uuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada waxa ay Maanta kormeereen goobaha lagu qaadayo imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2015-2016 Ee Magaalada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Wasiirka Waxbarashada iyo Barbaarinta Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Mas’uuliyiintu ayaa markii ay gaareen Goobta , waxa ay mid mid u galeen fasalada ay ardayda ku jiraan ee Imtixaanka lagu qaadayo, waxaana uu ardayda u qeybiyeen imtixaanka Shahaadiga, kuwaasi wasiirka oo uu u rajeeyay inay guuleystaan, kuna dadaalaan waxbarashada.
Wasiir Saadaad Maxamed Nuur Caliyow oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbaradahda DFS iyo Kan Koonfur Galbeed Soomaaliya sanadkii labaad ay qaadayaan imtixaanka shahaadiga ah, waxaana uu intaa ku daray in ay ka bilaabatay guud ahaan Gobolada Dalka.
Wasiir Waxbaradhada Iyo Barbaarinta Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Saadaad Maxamed Nuur Caliyow ayaa Sidoo kale sheegay in ay tahay wax lagu farxo in ardayda dugsiyada sare ay iminka u fadhiistaan imtixaanka shahaadiga ah, waxaana uu ardayda kula dar daarmay inay ku dadaalaan waxbarashada oo ay ka gaaraan heer sare, maadaama ay yihiin mustaqbalka beri.
Ugu dambeyntii Sida Wasaaradda ay sheegtey 19,112 arday ayaa maanta u fadhiisatay guud ahaan imtixaanka shahaadiga ah Ee gobolada Dalka Soomaaliya.
Halkan Ka Daawo Sawiradda.
Idale News Online, Baydhabo