Daawo:Wasiirka Maaliyadda Oo Heshiis Lagu Taageerayo Ciidanka Booliska La Saxiixday Dowladda Maraykanka

0
236

 Muqdisho(INO)— Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Mareykanka u Fadhiya Soomaaliya, James P. McAnulty magaalada Muqdisho kula saxiixday heshiis ay dowlada Maraykanku ugu deeqday lacag dhan $1.5 malyan oo lagu taageerayo dib u habeynta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Xafladda lagu saxiixday heshiiskaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Sheekh Xaamud.

Hay’adda Mareykanka ee loo yaqaan Bureau of International Narcotics and Law Enforcement Affairs (INL) ayaa waxay bixisay deeqdan taasoo fududeynayso in labada dowladood isaga kaashadaan, si wada jir ahna uga wada shaqeeyaan, sidii loo taakulayn lahaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si sare loogu qaado ciidanka tayadiisa si ay uga hortagaan dembiyada abaabulan.

Mashruucdaya la fulinayaa ayaa waxaa ka mid ah tababarada, dhaqangelinta nidaamka shaqada iyo sare u qaadida kartida Ciidamada Booliska Soomaaliyeed iyadoo ahmiyada la siinayo Waaxda Dembi Baarista(CID).

Mashruuca wuxuu kaloo awood siin doonaa Booliska gobolada ee dhowaan la dhisay kuwaasoo laga caawini doono sidii ay uga hortagi lahaayeen dembiyada iyo argagixisnimada.

Wasiirka Maaliyadda Maxamed Aden Farkeeti oo hadal gaaban halkaas ka jeediyey ayaa wuxuu u mahadceliyey Dowladda Mareykanka sida ay mar walba u garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ergayga Gaarka ah ee Doladda Mareykana ayaa isna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay xiriirka labada wadan, ayna ka go’an tahay dowladiisa inay garab intaan ka balaaran siin doonto Soomaaliya.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaliyeed, S/Gaas Maxamed Sheekh ayaa ku tilmaamay heshiiskan inuu yahay mid wax weyn ka badeli doono tayada Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

IMG_2236IMG_2234IMG_2195IMG_2159

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here