Daawo:Wasiirka howlaha guud oo Ballan Qaaday dib u Dhis Lagu Sameynayo xarumihii Naafada

0
270

Muqdisho(INO)-Wasiirka Howlaha guud iyo dib u dhiska dalka Eng, Saalax Sheekh Cismaan Muuse ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay qaar ka mid ah haweenka naafada ah ee ku dhaqan caasimadda, kuwaasi oo dhawaan ku bahoobay urur la yiraahdo SOWDA.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socday xafiiskiisa Ra’iisul wasaaraha iyo xubno kale, kaasi oo diiradda lagu saaray sida wax loogu qaban karo haweenka naafada ah.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Naafada ee SOWDA Basiiro Cabdi Maxamed ayaa sheegtay inay ku faraxsantahay qaabilaadda uu u sameeyay Wasiirka howlaha guud, waxaana ay ka codsatay in loo dhiso xarumihii ay lahaayeen, dadka deganna laga saaro.

Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska dalka Eng, Saalax Sheekh Cismaan Muuse ayaa sheegay in dadka naafada ay yihiin kuwa ugu mudan in wax loo qabto, Wasaaraduna ay diyaar u tahay in ay dhisto xarumihii dadka naafada ah wax loogu qaban jiray.

Haweenka naafada ayaa muddooyinkii dambe ku dadaalayay sidii ay dowladda uga heli lahaayeen xarumihii lagu daryeeli jiray, maadaama ay dhibaatooyin ka soo gaartay dagaalladii dalka ka dhacay.

IMG_5520IMG_5523IMG_5524IMG_5527IMG_5529IMG_5531IMG_5533IMG_5534IMG_5538IMG_5542IMG_5546IMG_5550IMG_5552IMG_5555IMG_5556IMG_5557IMG_5558IMG_5564IMG_5569

Idale News Online, Muqdisho

Idalenewsonline@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here