Muqdisho(INO)-Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Soomaalia Ayaa Maanta kormeeray inta badan isgoysyada Magaalada Muqdisho oo ay Howlgallo Ka Wadaan Ciidanka Dowladda Soomaalia Gar ahaan Kuwa Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaalia.
Wasiirku wax War ah Saxaafadda Muusan Siinin balse Waxaa la Arkaayey Wasiirka iyo Saraakiil kale oo ka Tirsan Dowladda Soomaalia oo Dhawr meel oo magaalada ka Tirsan Maraya
Dhinaca kale Af-hayeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaalia Maxamed Yuusuf Cususmaan oo maanta Shirjaraaid Muqdisho Warbaahinta Ugu Qabtay Muqdisho Ayaa Sheegay in Dowladdu Maanta Ciidamo Gaara oo suga Ammaanka Ay soo Dhoobtay isgoysyada Magaalada Muqdisho
Waxaa Uu Ka dalbada Masuuliyiinta Dowladda iyo Qaybaha Kala Duwan ee Bulshada inay U hogaansamaan Awaamiirta Ciidanka Nabadgalyada. Maalmahaan Ciidanka Dowladdu Waxaa ay Howlgallo ka Wadeen Magaalada Muqdisho