Daawo:Wasiiradda Caafimaadka oo shahaado sharaf guddoonsiiyay Aamin Ambulance

0
503

Muqdisho(INO)— Wasiiradda Caafimadka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed ayaa shahaado sharaf gudoonsiisay howlwadeenka guud ee Hay’adda Aamin Ambulance xaruntaiisa Muqdisho, kadib markii Hay’addan la timid waxqabad, hufnaan, howlkarnimo iyo dareen umadeed oo aad u saameyn badan.

Hay’adda Aamin Ambulance ayaa loo gartay shahaadadan, kadib markii muddo dheer ay u adeegeysay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa tabaaleysan, waxaana si gaar ah abaal marintan la guddoonsiiyay aqoonyahan Dr C/qaadir C/raxmaan Xaaji Aadam oo ahaa aasaasihii Hay’adda Samafalka Aamin Ambulance.

Shahaado sharaftan ayaa Wasaaraddu waxay ku soo beegtay xilli laga xusayay guud ahaan caalamka gaar ahaan Soomaaliya maalinta caafimaadka Adduunka oo sanad walba la xuso, iyadoo la iska xog-wareystay qatarada caafimaad darro ee dalkeena ka jira iyo sidii wax looga qaban lahaa intaba.

Hay’adda Samafalka Aamin Ambulance ayaa la aas aasay xilliyadii adkaa ee dalku soo maray dagaalada iyo duqeymaha joogtada ahaa ee sababi jiray maalin walba dhaawac iyo dhimasho, iyadoo ka hor inta aan la aas aasin Hay’addan dhaawacyada lagu qaadi jitay gaari gacan, waxaana wixii markaas kadib ay dabooshay baahida loo qabay gaari gurmadka deg dega ee dhaqse goobaha caafimaadka u geeya dhaawacyada

Dr C/qaadir C/raxmaan Xaaji Aadam ayaa uga mahad celiyay Wasiiradda Wasaaradda Caafimaadka Xaawa Xasan Maxamed Shahaado Sharafta ay u garatay Hay’adda Samafalka Aamin Ambulance, isagoo  intaa raaciyay in aysan jirin wasaarad ama mas’uul dowladeed oo horay u gartay inay abaalmarin ku siiyaan howlaha Aamin Ambulance u heyso bulshada Soomaaliyeed ee dhibaatadu ragaadisay kana burburay dhinac kasta.

Waxaa uu sheegay  in adeegyadooda gaarsiin doonaan guud ahaan gobolada dalka, isla markaana gaadiidka gurmadka deg dega ay noqdaan kuwo joogta ugu howl gala gobolada oo dhan.

Kadib burburkii dowladdii dhexe ee dalka waxaa la waayay adeegyo farabadan oo aad muhiim ugu ahaa dalka iyo dadka,  kuwaasoo ka mid ahaa Ambulance-yadii dadka dhiban ka soo qaadi jiray xaafadahooda, isla markaana geyn jiray goobaha caafimaadka ee Muqdisho, waxaana shaqadaas muhiimka u ah bulshadeena u istaagay xilligaan Hay’adda Samafalka Aamin Ambulnce.

Ugu dambeyn howlaha Hay’adda Samafalka Aamin Ambulance ee Muqdisho ayaa ah qaadista dhaawacyada kala duwan ee dadka, keenista haweenka foosha ah isbitaalada kala duwan ee dalka, geynta maydadka qabuuraha & howla kale oo badan.

aamin ambulance (3)

aamin ambulance (1)

aamin ambulance (2)

aamin ambulance (4)

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here