Daawo:Wasaaradda Haweenka Ee KGS Oo Kulan La Qaadatey Wasiiro Ka Tirsan Gal-Mudug, Booqateyna Xiryaha Ay Degan yihiin Barakacyaasha KGS

0
241

Galkacyo(INO)Wasiir Ku xigeenka wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Marwo Binti Ibraahim Cali  oo booqasho ku joogto Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa, waxay Kulan la yeelatey, Wasiiro ,Xildhibaano ka tirsan Maamulka Gal-Mudug ee Koonfurta Magaalada Galkacyo iyo weliba Ururka Haweenka Ee Gal-Mudug.

Kulan ayaa Looga hadley arimo badan ooku khuseeya danaha labadda maamul, oo ay ka mid ahaayeen, Xoojinta Xariirka U dhexeya Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Maamulka Gal-Mudug isla markaana sidii  siwadajir ah ay ugu kuwada Shaqeeyaan lahaayeen  raadinta Nabad waarta oo ka dhalata dalka soomaaliya iyo weliba xog is dhaafshada wasaaradaha Haweenka ee KG Soomaaliya iyo Gal-mudug.

Dhanka kale wasiirka Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka  Ee Dowladda  Koonfur Galbeed Soomaaliya, Marwo Binti Ibraahim Cali  ayaa sidoo kale booqatey xiryaha ay degan yihiin barakacyaasha oo ka soojeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya isla markaana ku rafaadsan Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxayna dhageysatey, cabashooyinka iyo dhibtooyinka haysta Barakacyaasha KG soomaaliy ee Magaalada Galkacayo ku sugan.

Wasiir  Ku Xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Xaquul Insaanka Ee KG Soomaaliya ayaa sheegtey in dowadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Curdunka ah  ay wax ka qaban doonto arimaha barakacyaasha isla markaana waxay intaasi raacsiisey in ay gaarsiin doonto wasaaradda khuseeysa arimaha Barakacyaasha ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ugu dambeyntii in ka badan 8,000  oo Ruux oo qaxooti ah  isla markaana  ka soojeeda Degaanadda Goboladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa jooga degaanada Puntland iyo Gal-mudug kuwaasoo  badankoodu ay doonayaan inay dib ugu laabtaan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya isla markaana Doonaya inay helaan Dib u dajin.

Halkan Ka Daawo.

Idale News Online, Galkacyo

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here