Nairobi(INO)-Wasiirka Arimaha debeda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa magaalada Nariobi ee Caasimada dalka Kenya kulamo kala duwan kula qaatay Masuuliyiin ka tirsan Dawlada Maraykanka, Isagoona hordhigay Muhiimada Maalgashiga Soomaaliya, Amniga iyo dhismaha Ciidanka.
Sidoo kale Wasiir Hadliye ayaa wuxuu kulan la qaatay Wasiirada Arimaha debeda Dalka Kenya Marwo Aamina Maxamed Jibriil, Waxayna siwayn uga wada hadleen Go’aankii dhowaan dawlada Kenya ay ku xidhay Xawaaladaha Soomaalida iyo Saamaynta ay arintaasi Leedahay.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Nairobi