Daawo:Wasiirka Arrimaha gudaha ee DF oo ka hadlay doorashooyinka Soomaaliya ee 2016-ka

0
273

Muqdisho(INO)- Wasiirka Amuuraha gudaha ee dawladda Soomaaliya Abdirahmaan Maxamed  Faarax Odawaa ayaa manta Saxaafada usoo bandhigay waraaqaha Codsiga ee in ka badan 400 oo qof ay ku doonayaan in ay kaga mid noqdaan gudiga doorashooyinka ee Soomaaliya, taas oo lafilayo in ay dhacdo sannadka soo socda ee 2016-ka.

Wasiir Odawaa ayaa sheegay in ay magacaabeen gudi ka kooban 7 xubnood, oo ay diideen magacyadooda in ay Saxaafada la wadaagan, maadaama laga cabsi qabo in musuqmaasuq uu kuyimaado kala saarida dadkaas.

Wasiirka ayaa sheegay in ay Soomaaliya soo martay marxalad adag, isla markaasna ay luntay kalsoonida iyo Cadaaladii, aysana sahleyn in si dhaqso ah loo helo cid buuxisa kaalintaas.

Musuqmaasuq ayaa meel sare ka gaaray Soomaaliya, waxaana marar badan lugu eedeeyaa Hay’adaha dawladda Soomaaliya in ay marar badan dadka ku shaqaaleeyen qabyaalada oo ah waxa ka xoog badan kuwa Jaamacadaha ka yimid.

Geesta kale Wasiir Odawaa wuxuu ka hadlay Qaxootiga ka imaanaya dalka Yemen iyo Xaalada Soomaalida, wuxuuna sidoo kale Haayada ugu baaqay in maamulada Soomaliland iyo Puntland Gacan laga siiyo  qaabiladaasi dadkaasi, oo uu sheegay inay culays ku yeelan karaan maamuladaasi.

Halkan Ka Dhageyso.

daawo-wasiirka

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here