Sannca(INO)-isbahaysiga Carabta ee uu hogaamiyo Sacuudiga, ayaa waxaa lagu eedeeyay inay burburiyeen isbitaal ku yaala Magaalada Abs ee Waqooyiga Wadanka Yemen, ka dib markii ay diyaarad dagaal garaacday.
Ugu yaraan 11 qof, ayaa waxaa la xaqiijiyay in lagu dilay duqaynta, iyadoo 19 kalana lagu dhaawacay. Dadka ku waxyeeloobay duqayntan ayaa waxaa ku jira carruur iyo dumar.
Shacabka ku nool xaafadaha ku dhow dhow isbitaalka la duqeeyay, ayaa u gurmaday dadkii ku waxyeeloobay duqayntaasi.
Hay’adda MSF oo maamusho isbitaalkan, ayaa waxay Wadamada Carabta ku eedeysay inay bartilmaameysadeen isbitaal ay daryeel bani’aadanimo ugu fidinaysay dadka nugul.
Wadamada isbahaysiga, ayaan weli ka hadlin duqaynta ka dhanka ah isbitaalka ku yaala Magaalada Abs, waxaase suurtagal ah in saacadaha soo socda ay ka hadlaan.
Maaha markii ugu horeysay oo Wadamada Carabtu ay garaacaan goobaha hubka ka caagan, xilli ay ku andacoonayaan inay beegsanayaan Maleeshiyada Shiicada Yemen ee Xuuthiyiinta.