Daawo:Wadaad Soomaaliyeed oo ku Nool Dalka Canada oo lagu soo eedeeyey faraxumayn gabdhood

0
222

Toronto(INO)-Mid ka mid ah wadaada Soomaaliyeed ee ugu waa weyn dalka Canada ayaa waxaa la sheegay in lagu soo eedeeyey inuu faraxumeyn y geystay laba gabdhood oo u dhashay dalkaas Mareykanka iyadoona arintaas looga raadinaayo dalka Mareyknka oo uu horey ugu noolaa jirey 

Imaam Cabdi Cilmi Xirsi oo 46 sano jir ah oo ka mid ah imaamada ugu waa weyn dalka Canada kuna nool magaalada Calgary ee dalkaas Canada ayaa waxaa la sheegay in lagu soo eedeey inuu faraxumeeyey laba gabdhood oo u dhashay dalkaas Mareykanka xilli uu wadaadku ku noolaa dalkaas Mareykanka gaar ahaan magaalada Woodbury ee gobolka Minnesto ee dalkaas Mareykanka, Wadaaadkaas Soomaaliga ayaa sanadkii 2006 xilligaas oo uu ka shaqeyn jirey Isbitaal ama xarun caafimaad ayaa wadaadkaas waxaa la sheegay inuu laba haween ah oo ka mid ah bukaanka xarunta uu ka shaqeyn jirey inuu fara xumeeyey islamarkaana uu kula dhaqmay anshaxumo aan ka mid ahayn howsha uu qabaneeyey iyadoona mid ka mid ah gabdhahaasi ay wadaadka ku eedeysay inuu isku dayey inuu u galmooda, Gabdhahaan ayaa wadaadka waxay ku eedeyeen in waxyaabaha uu ku sameynaayey uu ku sheegaayey inay ka mid tahay howsha shaqadiisa taas oo ay ku tilmaameen gabdhahaasi arintaasi wax kama jiraan iyo inuu wadaadku uu ka lahaa ujeedo kale waxa uu ku sameynaayey. 

Ugu dambeyntiina iyadoo dacwadii ay gabdhaasi ku soo oogeen wadaadkaas ka dib lagala noqday sheekhaas Soomaaliyeed ruqsadii shaqadiisa ayaa arinaas ka dib waxaa uu wadaadku u soo guurey oo uu u soo qaxay dalka Canada halkaas oo uuna iska dhiibay iyadoona loo aqoonsaday qaxootinimo, Wadaadkaas Soomaaliyeed oo ka mid imaamada ugu waa weyn dalka Canada oo ka hadlay eedeyntaas loo soo jeediyey ayaa arintaas waxaa uu ku tilmaamay waxba kama jiraan aan sal iyo raad toona lahayn asagoo sidoo kale sheegay wadaadkaas inuu iskiis uu u tagey dalka Mareykanka si uu uga jawaabo dambiyada loo heysto laakiinse ay dowlada Mareykanka ay dib ugu soo celisay dalka Canada.

Idale News Online, Toronto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here