Muqdisho(INO)- C/qaadir Cabdikariim “Mirig” oo mudo sodan sano ah ku noolaa dalka Ingiriiska ayaa magaalada Muqdisho ka bilaabay hab cusub oo kaalin ka qaadan karta wacyi gelinta iyo baraarujinta tahriibka dhalinyarada Soomaaliyeed.
Ninkaani oo naftiisa tahriib ku galay dalka Ingiriiska mudo fog ka hor, waxaana ninkaani uu wadooyinka Muqdisho ku maraa socod isagoo ku labisan dhar calanka Soomaaliya ku sawiran yahay gacantana ku wado makroofan.
Dadka Muqdisho ayaa ninkaan u haysto nin waalan oo lagu soo maray Yurub, marka qaabka uu u wacyi gelinayo dadka doonaya tahriibka iyo erayada uu adeegsanayo oo ah kuwo xambaarsan murti suugaaneed.
Idale News Online, Muqdisho