Makka(HOL) — Tiradad dadkii ku dhintay wiish kuwa wax lagu dhiso ah oo ku soo dhacay Masaajidka Barakeysan ee Xaramka [Makka Al-Mukarama] ayaa 107 ruux gaaraya, iyadoo dhaawucuna Caga-cageynayo in ka badan 238-qof, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Saudi Arabia.
Mas’uuliyiinta Waaxda Difaaca Muwaadiniinta Saudi Arabia ayaa sheegtay in sare ay u sii kacayso khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay shilkan oo ah kii ugu xumaa ee abid ka dhaca Masjidka Xaramka ee Makka Al-Mukarama.
Afhayeenka Boqorka Sucuudiga ee Arrimaha Masaajida Barakeysan ee Makka & Madiina, Axmed Bin Maxamed Al-Mansouri ayaa Warbixin uu soo saaray ku sheegay in shilkan uu dhacay iyadoo wiishku uu qaadayay dhagax weyn oo aad u culus, roobab mahiigaan ahna ay da’ayeen.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka Makka oo uu Xaramku ku yaallo, Amiir Khaalid Al-Feysal ayaa shilka khasaaraha badan dhaliyay kaddib magacaabay guddi gaar ah oo baaris ku sameynaya sida uu shilka u dhacay. Isagoo ku baaqay in dadka ku dhaawacmay shilkan loo fidiyo gargaar deg-deg ah, sida uu sheegay Madaxa Dowladda Hoose ee Makka, Sudan Al-Dosari.
Wiishash waaweyn oo kuwa dhismaha ayaa Xilligaan hawlo dayactir ah oo aad u xooggan kawada Masjidka Makka, iyadoo lagu gudo jiro xilligii ay Malaayiin Muslimiin ah sannad walba ku gudan jireen Waajibaadka Xajka oo ah tiir ka mid ah shanta Tiir ee uu Islaamku taagan yahay.
Shikad Abraj al-Bait ayaa ka Shaqeysa Dhismaha Masaajidka Barakeysan ee Makka Al-Mukarama, taasoo laga leeyahay dalka Turkiga, iyadoo sidoo kale ay jiraan shirkado kale oo Sucuudiyaan ah oo la shaqeeya.
Ugu dambeyn, Shilkan ayaa kusoo beegmaya xilli la filayo in 22-ka bishaan ee September, 2015-ka uu billowdo Maka Al-Mukarama Gudashada Waajibaadka Xajka ee Sannadkan, iyadoo sannad walba ay booqdaan Xaramka Malaayihiin Qof oo Muslimiin ah, kuwaasoo ka kala imaanaya Caalamka oo dhan.
Idale News Online, Makka