Kismaayo(INO)-Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Maxamed Sh. Xasan Xaamud oo uu wehliyo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kormeer ku tagay saldhiga Booliska Kismaayo.
Madaxweynaha iyo Taliyaha ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee saldhiga magaalada Kismaayo oo hadda Talis guud u ah Ciiidamada Booliska Jubbaland, wuxuuna Taliyaha booliska Soomaaliya halkaasi gaarsiiyay agab isgaarsiin oo isku xeraya saldhigyada booliska ee gobolada iyo xarunta taliska guud ee Muqdisho.
Madaxweynaha Jubbaland iyo Taliyaha ayaa si toos ah ula hadlay Saldhigyada Ciidamada Booliska ee Muqdisho Baladweyne Jowhar Carmo iyo Baydhabo iyagoo tijaabinayey qalabkaas.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa uu sarakiisha ku sugnaa Saldhigyada kala duwan ee Soomaaliya uu kula dardaarmay in ay laba jibaaran hawlaha Qaran ee ay hayaan isla markana ay ku dadaalan sidii qalabka ay isticmaalayaan uu u noqon lahaa mid xafidan oo aan cadawga u gudbin.
Intaas kadib Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa ay kormeereen qaybaha Tababarka waaxda dambi barista iyo qaybta mando musiko iyadoo uu Madaxweynahu uu dhamaan warbixino ka dhagaystay Sarakiisha iyo hogaanada kala duwan oo qaybaha Ciidamada Booliska Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay muuqato rajo ah in ay soo noqonayso haybadii Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo waliba ku hawlgalaya adeegyo casri ah wuxuuna xusay in ay abuurayso jawi muujinaya in ay soo noqonayso Xasiloonidii Dalka.
Balse Madaxweynahu wuxuu cadeeyay in loo bahan yahay in la xafido dhamaan qalabka Ciidamada gaar ahaan isgaarsiinta oo uu sheegay in hadii cadawga ay u gacan gasho ay tahay dhabar jab weyn loona bahan yahay in masuuliyad la iska saaro.