Baydhabo(INO)-Macalimiinta Dugsiga Sare ee Gobalka Baay oo tiradooda Gaareyso 63 Macalimiin oo kasocdey 7 dugsi Sare ee Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay, ayaa Maanta loo Furey Tababar socanayo Mudo 30 Maalmood .
Waxaana Tababarkaasi Fulinayey Jaamacada Koonfurta Soomaaliya(USS) , Iyadoo ay iska kaashadeen Wasaarada Waxbarashada Dowlada Federaalka iyo Wasaarada Waxbarashada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Xafladaasi Lagu furayey tababarkaasi ku saabsan Macalimiinta dhigta Dugsiyada Sare ayaa Furitaankeeda waxaa kasoo qayb galey Masuuliyiinta kala ah Wasiirka waxbarashada Koonfur Galbeed Saadaad Maxamed Nuur Caliyow Bare iyo Gudoomiyaha Gobalka Bay Rashiid Cabdullahi Maxamed LFC.
Waxaan Xaflada Furitaanka ka hadley Gudoomiyaha Jaamacada Koonfurta Soomaaliya Prof. Maxamed Cali kaley isagoo ka hadley Qiimaha uu leeyahay tababarka iyo inay Macalimiinta u tahay Aqoon korarsi kusaabsan kor u qaadid Aqoontooda Qibrad helid ee ay ka faaideysan doonaan mudo hal bil ee ay ku jiraan tababarka Maanta Furmey.
Halkan Ka Daawo.