Kurtunwaarey(INO)-Waxaa Shaley Degmada kurtunwaarey ee gobolka shabellaha hoose gaarey wefdi balaaran oo isugu jirey wasiiro hore Wariyaal, odayaal iyo qurbojoog oo kala yimid Dalka mareykanka gaar ahaa gobolka Minisota iyo Kenya.
Dadka Gaarey waxaa ka mid ahaa Suldaan Warsame ibraahim Caliyow ibrow, Wasiirkii hore ee xanaanada Xoolaha ee dowlada Soomaaliya Prof. Saalim caliyow Ibrow iyo waxgarad kale oo ka soojeeda degmada kurtunwaarey ee gobolka shabellaha.
Ujeeda safarkooda ayaa lagu sheegey in uu ku qontomonaa qiibmenta xaalada Amaanka iyo noolasha dadka ku dhaqan degmadaasi kuwaaso dhibaato la daala dhacayey tan iyo markii ay burburtey dowladii dhexe ee soomaaliya. wefdigu waxa uu kormeerey qiibo badan oo ka tirsan degmada kurtunwaarey ee gobolka shabellaha hoose.
Waxayna kulumo gooni gooni ah la soo qaateen, Maamulka degmada kurtunwaarey, Bulshada rayidka iyo ciidamada Amisom .
Qurbjoogta degmada kurtunwaarey ayaa bilowdey soo celinta qaxootiga dadka u dhashey degmadaasi isla markaana ku rafaadsan gudaha magaalada muqdisho, iyagoona sheegey in ay ka go’an tahay wax u qabashada dadkooda iyo degaankooda hada iyo waxii ka dambeeyo. sidoo kale waxa ay ku go’aansadeen in wax weyn ay ka qaban doonaan bilaha soo socoda:-
- Caafimaadka- in dib u dhis lagu sameyo cusbitaalka weyn ee Degmada kurtunwaarey.
- Waxbarashada- In la furo Boarding School iyo kuwa hada furan si loo tayeeyo.
- Beeraha- Dib u habeyn lagu sameyo Kanaalada iyo in lagu caawiyo Makinadaha Beeraha loona Qodaa Ceelasha Biyaha.
- Xoloaha- In lagu caawiyo Daawoyinka Xoolaha iyo sidii loo hormarin lahaa hab dhaqadka Xoolaha.
Ugu dambeyntii Booqashan ay ku tageen Degmada Kuntuwarey ee Gobalka Shabelaha Hoose ayaa noqoneysaa tii ugu horeysey, isla markaana ay ku sameeynayeen qiimeynt baahida kajirta deganadaasi.
Halkan Ka Daawo Sawiradda.
Idale News Online