Daawo:Sirdoonka Somalia oo Sameeyay Arrin Ay Ku Farxeen Shacabka Somaliyeed

0
236

Muqdisho(INO)-Wararka ka imaanayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ay howlgal ay ka sameysay Muqdisho ku burburisay shabakad argagixiso, iyadoo gacanta ku soo dhigtay dagaal yahanno ka tirsan kooxda Al Shabaab kuwaas oo la sheegay in ay dilal,qaraxyo iyo dhibaatooyin kale ka sameen jiray magaalada Muqdisho.

Telefishinka qaranka somalia oo gacan ka hellayo Sirdoonka Somalia ayaa warbixin ka sameeyay arrintaan.

Halkan Ka Daaawo

Howlgal ay Ciidamada NISA ka sameeyeen degmada Hodan ayaa lagu soo qab qabtay dagaal yahannada ka trisan Al Shabaab,kuwaasoo dilal iyo qaraxyo kala duwan ka geysan jiray degmooyinka Hodan iyo Dayniile.

Ragaan lagu eedeyay inay ka tirsan yihiin kooxda argagixisada Al Shabaab ayaa qirtay ineey dileen dad Soomaaliyeed, iyadoo ciidamada NISA ay cagta mariyeen shabakaddaasi argagixiso ee dilalka iyo qaraxyada ka geysan jirtay Muqdisho.

Hey’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka  ayaa hore u burburisay shabakado argagixiso oo tan la mid ahaa, kuwaasoo dhibaatooyin isugu jira dilal iyo qaraxyo ka geysan jiray magaalada Muqdisho.

NISA iyo Howlgallo NISA iyo Howlgallo2 NISA iyo Howlgallo3 NISA iyo Howlgallo4 NISA iyo Howlgallo5

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here