Kismaayo(INO)-Shirkii Madaxda Somalida uga socday Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubadda hoose, ayaa fashil ku soo dhamaaday, kadib markii Madaxda Somalida ay ku heshiin waayeen Shirkaasi.
Dhinacyadan, ayaa waxay isku khilaafeen in Xildhibaanada lagu soo xulo nidaamka awood qaybsiga beelaha ee 4.5 iyo in lagu soo xulo hannaanka deegaanada. Labadaasi qodob ayaana noqday kuwii sababay burburka ku yimid wada hadalada.
Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo Saxaafadda kula hadlaayay Magaalada Kismaayo, ayaa ka dhawaajiyay in la soo gaba gabeeyay Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran.
Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxaa uu cadeeyay inay jiraan arrimo farsamo, oo sida uu hadalka u dhigay ay isku qabteen Madaxdii Somalida, ee shirka mudada afarta cisho uu kaga soconaayay Magaaladaasi.
Ra’iisal Wasaaraha waxaa uu hoosta ka xariiqay in lagu ballamay in kulan kale la’isugu yimaado, si horey loogu sii amba qaado Madasha Wadatashiga Qaran, hase ahaatee maanu sheegin waqtiga iyo goobta lagu ballamay in wada hadaladu ka sii socdaan.
Ra’iisal Wasaare Sharmaarke, ayaa yiri “Sida aad ogsoontihiinba shirkii 14-kii January ka bilowday halkaan, loogana xaajoonaayay hiigsiga 2016-ka iyo sidii mudada dhammaanaysa looga gudbi lahaa, runtii meel fiican ayaa la soo gaarsiiyay.”
“Meeshii aan joognay hadda waan isaga dhawnahay aad iyo aad. Waxyaabo yar yar oo farsamo ayaa noo hartay, oo aan dooneyno, haddii Ilaahay yiraahdo dib in aan uga shaqayno, aan si dhaqsa ah isugu soo noqono.”
“Waxay ila tahay meesha la’isugu imaanaayo iyo waqtiga la’isku imaanaayo, Dowladda Federaalka ayaa sifayn doonto. Anagana Insha’Allah waxaan ku dadaali doonnaa, intaas yar ee la kala maqan yahay in waxyaabaha yar ee lagu kala duwan yahay iyo dheeli tirka u baahan in la soo dhameystiro. Ka dibna waqti cayiman ka dib la’isugu yimaado munaasabad iyo goob aan is leenahay waa lagu soo gunaanudi doonnaa wada hadalka.”
Idale News Online, Kismaayo