Xudur(INO)-Waxa Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ka furmay Shir dib u heshiisiin ah oo lagu xalinayo khilaafaad horay u dhexmaray Beelo halkaasi degan, kaasi oo uu garwadeen ka tahay Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Odayaal kasoo jeeda Gobolka Bakool ayaa shalay Gaaray Magaalada Xudur si ay ay uga qeybqaataan dib u heshiisiinta Beelaha Gobolka Bakool,,waxaana xubnaha wefdiga kamid ah wasiirkii hore arimaha Dibadda ee dowladii Kumeel gaarka aheyd C/laahi Maxamed Nuur oo hada ah wakiilka hay ada CRD ee Goboladaasi
Gudoomiye kuxigeenka Degmada Xudur Mustaf Xuseen Aadan ayaa sheegay in heshiiska uu daba socdo dib u heshiisiin guud oo horay uu u isclaamisey Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya in laga sameynayo Gobolada Koonfur galbeed oo dhan, si meesha looga saaro khilaafaadkii 24 sano dhexmaray Soomaalida.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Xudur, Bakool