Daawo+Sawiro:DHAGEYSO: Koonfur Galbeed “Dagaalyahano Shabaab ah ayaan Dilnay”

0
187

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay magaalada Beydhabo ku soo bandhigeen Hub iyo Agab ciidan oo ay sheegeen in ay ka qabsadeen ururka Al-shabaab.

Wasiirka Hub ka dhigista iyo Dhaqancelinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Xasan Xuseen Maxamed (Eelaay) oo la hadlay Idalenews.com ayaa sheegay Howlgal gaar ah oo ay sameeyeen Ciidanka Koonfur Galbeed in ay ku soo furteen 5 Qori oo AK47 ah iyo Agab kale oo ciidan, isagoo sidoo kale sheegay in Howlgalkaasi ay ku dileen 3 Dagaalame oo ka tirsan Shabaab.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in weerarkan uu ka dhacay meel Deegaanka Labaatan-jirow 6KM ujirta, wuxuuna sheegay in Howlgalkan uu qeyb ka yahay Howlgalada Shabaab looga saarayo Deegaanada ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed.

Wuxuu sheegay in ay wadaan qorshe lagu furayo wadada dheer ee isku xirta Diinsoor, Qansax-dheere iyo Bardaale oo hada ay ku sugan yihiin Dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

44Ateera 1

Ateera 3

Ateera 4

Ateera

W/Q/Wariye:Siidcali Muuse Maxamed(Ateera)