Daawo+Sawiro: Hay’ada Qalam Oo Gargaar Gaarsisay Degaanada Danbal iyo Gasarta Ee Gobolka Bay

0
262

Baydhabo(INO)- Hay’adda Samafalka ah Ee Qalam ayaa Maalmahan ka Shaqaynaysay Gaarsiinta Raashiin iyo Biyo dhaamin dad badan oo ku dhibaateysan Gudaha iyo Tuulooyinka Hoostaga Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay.

Shalay waxaa ay Deeq Noocaas ah ay gaarsiisey Deegano ay kamid yihiin Danbal iyo Gasarta oo hoosyimaada Degmada Baydhabo.

Maamulaha Haya’dda Qalam Sheekh Ilyaas Cali Nuur ayaa ugu Mahadceliyey Walaalihii soo dhiibay Sadaqadaas wuxuuna u Rajeeyey in ilaahay Bedelkoodi wax kheyr qaba ugu so bedelo.

Sidoo kale dadka Masaakinta ah ayaa aad u soo dhoweyey deeqda Hay’adda Qalam ay gaarsiisay uguna Ducooyey.

Ugu dameyntii, Madax Hay’ada Al-Qalam ugu baaqay Walaalaha Muxsiniinta ah in ay Sii laba Jibaaraan Maadaama Xaalada dadka ay Ku Noo lyihiin ay adag tahay ayna u baahan yihiin Gar Gaar Deg Deg ah.