Daawo: Wasaaradda Shaqadda Iyo Shaqaallaha KGS Oo Maanta Xustey Maalinta Shaqaallaha Aduunka

0
410

Baydhabo(INO)- Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaallaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta si weyn u Xustey Maalinta Caalamiga Ah Ee Shaqaalaha Aduunka.

Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, Wasiiro, Xildhibaano, Odayaal Dhaqameed Iyo Ururada Bulshada Qeybahooda Kala Duwan Ayaa Ka Qeyb Galey Xuska  Maalinta Caalamiga Ah Ee Shaqaalaha Aduunka.

Wasiirka Wasaarada Shaqada Iyo Shaqaalaha Koonfur Galbeed  Jaylaani Sheekh Maxamed Xasan Ayaaa Ugu Horeyn Sharaxaad Ka Bixiyey Ujeedka Munaasabada isaga oo ku dheeraaday muhiimada maalinta ay u leedahay shaqaalaha aduunka.

Gudomiyaha Degmada Baydhabo Ahna Duqa Magaalada Abdulaahi Ali Watiin  Iyo Mid Ka Mid Ah Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Ayaa Sheegey Dhalinyarada Soomaaliyeed Gaar Ahaan Ardada Dhameysatey Dugsiyada Sare in Loo Abuuri Doono Shaqo.

Kusimaha Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ahna Wasiirka wasaarada Beeraha iyo waraabka Maxamed Xasan Fiqi Ayaa Hanbalyo U Jeediyey Dhamaan Shaqaalaha Dowlada Iyo Kuwa Caalamkaba.

Ugu dambeyntii, 1da May Sanad Waliba Maanta Oo Kale Waxaa Caalamka Laga Xusaa Maalinta Shaqaalaha Aduunka oo muhiimad gaar ah u leh shaqaalaha caalamka.

Halkan Ka Daawo Sawiradda

DSC_0042tttDSC_0089DSC_0081DSC_0077DSC_0073DSC_0072DSC_0071DSC_0065DSC_0064DSC_0058DSC_0056DSC_0045DSC_0027

WariyeSiidcali Muuse Maxamed

Idale News Online, Xafiiska Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here