Muqdisho (INO) Hay’adda Nabad sugidda Qaranka Soomaaliya ayaa shaacisay in horjooge ka tirsan Alshabaab lagu soo qabtay howlgallo ay ciidanku ka sameeyeen suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaasi oo daganaa hotel ku yaalla suuqa Bakaaraha, Afhayeenka wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf ayaana faah faahin ka bixiyey.
Hotelka lagu qabtay Sarkaalkan ka tirsan Alshabaab ayaa magaciisa lagu sheegay Kismaayo 2, waxaana goobtaasi booqday Taliyaha ciidamada Nabadsugidda C/raxmaan Maxamud Tuuryare oo amar ku bixiyay in dowladdu la wareegtay labada hotel ee Kismaayo 1 iyo Kismaayo 2 oo hore la sheegay in looga qabtay xubno ka tirsan Al-shabab.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Muqdisho