Daawo:Safiirka Dowladda Turkiga Ee Soomaaliya Oo Gaaray Magaalada Kismaayo

0
251

Kismaayo(INO)-Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar ayaa maanta waxa uu gaaray magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, halkaasi oo aad loogu soo dhaweeyay.

Safiirka iyo xubno la socda ayaa garoonka Kismaayo waxaa kusoo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka Labaad ee maamulka KMG Jubba Suldaan Luga-dheere iyo sidoo kale wasiiro ka mid ah maamulkaasi.

Mr. Olgan Bekar ayaa waxaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada ee magaalada Kismaayo, halkaasi oo kulamo uu kula qaadanayo madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Madoobe.

Waxa ay ka wada hadlayaan arimo badan oo ku aadan gargaarka turkiga ee Soomaaliya iyo arimo dhanka hormarinta ku saabsan.

Kulankaan ayaa markii uu soo gaba gaboobo waxaa la filayaa in saxaafadda ay Labada dhinac uga warbixiyaan waxyaabihii ay ka wada hadleen iyo uljeedka safarkaan.

t4

t3

t2

t1

 

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here