MN(INO)-Cabdi weli Sheekh Axmed Maxamed, Ra’iisal wasaarihii Hore Ee Soomaaliya, haatan ah Gudoomiyaha Madashadda Midnimada Iyo Dimuqraadiyadda Dalka Soomaaliya oo dhawaan Loogu Dhawaaqey Magaalada Muqdisho iyo Siyaasiyiin Caan ah oo ay Ka Mid yihiin Proff. Cabdillahi Baadiyow, Wasiirkii Hore Ee Gaashandhiga soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa si weyn Loogu Soo dhaweeyey, Magaalada Minneopolis, ee Gobolka Minneosta ee Dalka Mareykanka.
Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee Ku dhaqan Minnosta isla markaana U dhaq dhaqaaqa geeda socodka Nabadda Soomaaliya iyo Samata bixinta ummadda Soomaaliyeed ayaa Ka Qiib Qaatey, Soo dhaweynta RW, hore Mudane Cabdi weli Sheekh Axmed Maxamed iyo wefdigiisa.
RW, Cabdi weli ayaa Khudbad u jeedin doona Bulshadda Soomaaliyeed ee MN ku Dhaqan maalinta taariikhu ay ku beegan tahay 19th , April,2015 isla markaana waxa uu ka hadli doona Nabadda, Midnimada, Siyaasadda Soomaaliya Ee maanta iyo Doorashadda La filaayo in ay Ka dhacdo dalka Soomaaliya sanadka 2016 .
Waxaana Xaflada weyn Lagu Qaban Doonaa Ramada Hotel in Bloomington, afdress: 2300 East American Blvd, Bloomington, MN 55425.
Halkan Ka Daawo Sawiradda
Idale News Online, MN,USA