Muqdisho(INO)-Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa loo doortay madasha Midnimada Dimoqraadiyada Soomaaliyeed, taasi oo looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.
Madashaan waxaa ku mideysan xisbiyada siyaasadda, Kutlooyinkii Baarlamaanka, Siyaasiin iyo Aqoonyahano, waxaa shalay magaalada lagu qabtay munaasabadda ku dhawaaqista Madasha.
Waxaa gudoomiyaha madashaan cod la qaaday ka dib la’isku raacay in uu noqday Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cabdiweli Sheekh Axmed gudoomiyaha, waxaana ku xigeenada ay kala yihiin Dr Cabdiraxmaan Macalin Cabdullaahi Baadiyow, Xuseen Carab Ciise Dr Cabdishakuur Shiikh Xasan Fiqi , iyadoo Xoghayaha Guud loo doortay Dr Cali Maxamed Maxamuud.
Halkan Ka Daawo.
Cabdiweli Sheekh Axmed oo halkaasi hadal ka jeediyay waxa uu sheegay in ujeedka madashaan ay tahay in wax badan ay ka qabato xaaladda siyaasadeed ee dalka, dowladana lagu taageero wixii ay saxday, lagana qabto wixii ay ku qaldan tahay.
Madashaan ayuu sheegay in ay noqon doonto madal xoogan oo dhanka siyaasadda ah, islamarkaana aysan noqon doonin madal wax bur burisa, laakiinse noqon doonto mid wax dhista.
Hoos ka daawo sawirada.
Idale News Online, Muqdisho