Daawo:Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo maanta qaabilay wafdi ka socday Midowga Yurub

0
224

Muqdisho(INO)— Ra’iisul Wasaare Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Maxamed Cumar Carte oo ay wehliyeen Wasiirada Amniga, Waxbarashada, Qorsheynta, Warfaafinta, Diinta iyo Awqaafta ayaa la kulmay wafdi ka socda Midowga Yurub oo uu hogaaminayay Madaxa Siyaasada iyo xiriirka Tom Vens.

Wafdigan ayaa ujeedkiisu yahay sidii Soomaaliya ay uga caawin lahaayeen dhinacyada amniga, ka hortaga tahriibka iyo dhanka waxbarashada, taas oo lagu salaynayo baahiyaha ay wasaaraduhu soo gudbiyaan.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ahmiyad weyn u leedahay sidii looga hortagi lahaa tahriibka taas oo dhibaato ba’an ku haysa dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Madaama dalka ay ka jirto shaqo la’aan ay sababeen colaadihii dalka soo maray, iyo dhibaatooyinka xagjirnimada waxaa sanad kasta sii kordhaya dhalinyarada u tahriibaya dalalka fog, waxayna la kulmaan dhibaatooyin kala duwan qaarkoodna waxayba naftooda ku waayaan xeebaha u dhaxeeya Liibiya iyo Yurub” ayuu yiri RW ku xigeenku.

Sidoo kale, xubnaha wafdiga ayaa ballan qaaday inay muhiimada koowaad siin doonaan sidii dowladda Soomaaliyeed looga caawin lahaa shaqo abuur loo sameeyo dhalinyarada si ay ugu nagaadaan dalkooda.

Dhinaca kale xubnahan ayaa sidoo kale ballan qaaday in midowga Yurub ay gacan ka geysan doonaan sidii fursado loogu abuuri lahaa gobolada iyo degaanada laga xoreeyey kooxaha Al shabaabka.

unnamed (5)unnamed (7)unnamed (8)unnamed (9)

 

 Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here