Muqdisho(INO)-Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Dowlada Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah waxa ay ku riday labo nin oo Maxkamadu ku heshay in ay katirsanaayeen Xarakada Al-Shabaab ayna dilal qorsheesan Muqdisho ugu geesteen Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan Hay’ada Nabad Sugida Qaranka.
Gudoomiyaha Maxkmada Darajada Koowaad ee Ciidanka Qalabka sida Xasan Cali Shuute ayaa sheegay in Maxkamada ay xukun dil ah ku riday Shuceyb Ibraahim Mahdi iyo Faarax Cali Cabdi, waxa uuna sheegay in ragan ay qirteen in Al-Shabaab katirsanaayeen ayna ka dambeeyeen Dilal Muqdisho loogu geestay Xildhibaano iyo Saraakiil katirsan Ciidanka Nabad Sugida Qaranka .
Raga Xukunka dilka ah maanta lagu riday ayaa ku eedeesan in ay ka dambeeyeen Dilal qorsheesan oo Magaalada Muqdisho loogu geestay Xildhibaanada kala ah Saado Cali Warsame ,Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd ,iyo Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer.
Waxaa sidoo kale ragan oo Weerarada ay geestaan ku fulin jiray gawaari , ayaa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen Dilal loo geestay Saraakiil katirsan Hay’ada Nabad Sugida Qaranka , waxaa sidoo kale lagu helay ragan in ay wax ka abaabuleen weerarkii lagu qaaday Xarunta UNDP ee Magaalada Muqdisho..
Shuceyb Ibraahim Mahdi ayaa ahaa Sargaal Madax u ahaa Dagaalyahano weerarada ku fuliya gawaari iyo qoryo, waxaana Muuqaal horey looga baahiyay Talefishinka Dowlada uu ku qirtay ninkan in uu ka dambeeyay Dilal Xildhibaano iyo Saraakiil katirsan Hay;ada Nabad Sugida loogu geestay Muqdisho , isagoona sharaxaad lala yaabay ka bixiyay qaabkii ay dilalka u fulin jireen.
Maxkmada Ciidamada Qalabka sida Dowlada Soomaaliya ayaa horey u fuliyay xukuno kala duwan oo isugu jira dilal iyo xabsi oo lagu riday rag lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin Dagaalamaayasha Xarakada Al-Shabaab.
Idale News Online, Muqdisho.