Daawo:Qoryo laga helay Garoonka Brussels ka dib markii la weeraray

0
491

Brussels(INO)- Daacish, ayaa waxay sheegtay ka hor qaraxyadii ka dhacay Garoonka Zaventem in xoogagooda ay rasaas ku furayn dadkii ku sugnaa.
Booliska Belgium-ka, ayaa waxay xaqiijiyeen in qori AK47 ahaa laga helay Garoonka, ka gadaal labadii qarax ee burburka ka gaystay. Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhimatay qaraxyada, halka in ka badan 80 kalana ay ku dhaawacantay.

Qori labaad oo AK47 ah, ayaa waxaa laga helay qaybta laga baxo ee Garoonka, waxaana jira shaki ah in dadka lagu dilay waxyaabo ka baxsan qaraxyada, inkastoo aanay weli Xukuumadda Brussels kala cadayn.

Boolisku waxay soo bandhigeen muuqaalka saddex nin oo ay ku sheegeen inay ka dambeeyeen weerarkii Garoonka, iyadoo laba ka mid ihi ay sheegeen inay is qarxiyeen, halka midka kalana uu baxsaday.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Belgium, Didier Reynders, ayaa waxaa uu sheegay in qarax aan qarxin laga helay Garoonka, isla-markaana ay weli jirto halis xagga ammaanka ah.
Muuqaalo laga soo qaaday Garoonka Brussels, ayaa waxaa ka muuqanaaya burbur wayn oo ka soo gaaray weerarka abaabulan, ee Daacish ka gaysatay Talaadadii.

Qarax 3-aad, ayaa waxaa uu ka dhacay boosteejo laga raaco tareenada dhulka hoostooda mara oo ku yaala Bartamaha Magaalada Brussels, waxaana uu qaraxaasi sababay dhimashada ugu badan. Ugu yarana 20 ruux waxaa la xaqiijiyay in qaraxaasi ku dhimatay, halka 106 kalana ay ku dhaawacantay.

Illaa iyo hadda waxaa la isweydiinayaa, isla-markaana lala yaaban yahay sida ay dagaal-yahanada Daacish ugu suurta-gashay inay hub iyo qaraxyaba la galaan Garoonka, oo la ‘ogyahay in ammaankiisa si wayn loo ilaaliyo.

Xaalad deg deg ah, ayaa la geliyay gebi ahaanba dalkaasi, waxaana la joojiyay dhaq dhaqaaqii xuduudaha, iyadoo korna loo qaaday heerkii feejignaanta argagaxisada

Brussels

Brussels1

Brussels2

Brussels3

Brussels5

Brussels6

Brussels7

Brussels8

 

Idale News Online, Brulse

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here