Daawo:Qasriyadii Qadaafi oo isku rogay Qashin Qub iyo Suuq Digaaga lagu iibiyo

0
254

Taribuli(INO)-Muuqaalo iyo Sawiro ay baahiyeen qaar kamid ah Wakaalada Wararka Caalamka ayaa muujinaya sida ay isku badaleen Qasriyadii Quruxda Badnaa uu Dalka Liibiya ku lahaa Hogaamiyihii la dilay ee Colonel Muammar Gaddafi.

Qasriyadii Quruxda badanaa uu Colonel Muammar Gaddafi ku lahaa Magaalooyinka Tripoli iyo Benghazi ayaa hada isku badalay goobo qashin qub ah oo laga cabsado iyo Suuq lagu iibiyo Xayawaanka gaar ahaan Digaaga .

Qasriyadan oo loo yaqiiney Baabul Casiisiya ayaa ahaa kuwa si Qurux badan loo dhisay gudihiisana qofkii gala uu ku indho daraandarayay hasa ahaatee xaalka Qasriyadaasi ayaa hada u muuqda kuwa bur bursan oo qofkii gala uu dareemayo cabsi aad u badan.

Qasrigii uu Magaalada Tripoli ku lahaa Madaxweynihii hore ee Dalka Liibiya ayaa hada ah mid bur bursan , waxaana gabi ahaan meesha ka baxay dhirtii quruxda badneed ee qasrigaasi lahaa, waxaa sidoo kale la bur buriyay Jardiinooyinkii lagu nasan jiray iyo Goobihii kale ee quruxda badnaa ee Qasrigaasi.

Waxaa sidoo kale Suuq Digaaga iyo Shimbiraha lagu iibiyo isna isku badalay Qasrigii kale uu Madaxweynihii Liibiya Colonel Muammar Gaddafi ku lahaa Magaalada Benghazi, waxaana gabi ahaan la boobay lana qaatay hantidii iyo waxyaabihii kale ee qiimaha badnaa ee yaalay Qasriyadii Qadaafi.

Dalka Liibiya waxaa hada ka jira Dhibaatooyin badan oo ka dhashay ridistii Dowladii uu Hogaaminayay Colonel Muammar Gaddafi, waxaana hada Gacanta uu u galay qeybo kamid ah Dalkaasi Maleeshiyaad iska soo horjeeda kuwaa oo ku dhax dagaalamaya qeybo kamid ah Dalkaasi.












LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here