Muqdisho (INO) Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaliya ayaa cod u qaaday mooshinkii ka dhanka ahaa dhismaha Baarlamaanka Jubba, iyagoo sharci darro ka dhigay dhismaha Baarlamaanka Jubba oo horay cabasho badan uga timid.
ulanka Baarlamaanka oo ku furmay jawi degan ayaa markii la guda galay ajandaha, isla markaana Guddoonka amray in la tiriyo tirada Xildhibaanada fadhida, si cod loogu qaado mooshinka ayaa buuq ka dhashay, waxaana markii hore tirada soo xaadirtay ay ahaayeen 150.
Hase ahaatee waxaa markii dambe xarunta golaha shacabka ka baxay Xildhibaanadii ka soo horjeeday mooshinka, waxaana ay taas dhalisay buuq, waxaana markii dambe la shaaciyay inay joogaan 142 Xildhibaan, kuwaasoo markii dambe cod gacan taag ah u qaaday mooshinka.
Halkan Ka Daawo.
Idale News Online, Muqdisho