Baydhabo(INO)-Maamulka Degmada Baydhabo Janaay Ee Xarunta Gobolka iyo Ururka Haweenka Baydhabo ayaa howla Nafadaaded ka bilaabay waddooyinka xaafadaha Magaaladaasi.
Ololahan Nadaafadeed oo ay iska kaashanayaan maamulka Degmada Baydhabo iyo shacabka degmadaasi ku nool ayaa ka soo bilowday waddooyinka dhexmara Magaalaasi , waxaana ay soo gaarsiiyeen ilaa iyo Afar irdhoodka oo ah halka kala qaybisa Magaalada.
Qaar ka mid ah Haweenkii ku guda jiray olalahan nadaafadeed ayaa sheegay inay u istaageen sidii ay qashinka uga qaadi lahaayeen waddooyinka iyo xaafadaha degmada Baydhabo.
Guddoomiyaha Ururka Haweenka Ee Degmada Baydhabo Xaawo Sakor ayaa sheegtay in Ololahaan Nadafadeed ay qayb ka tahay dib u soo noo laynta bilicda magaalada Muqdisho iyo sidii qashinka looga qaadi lahaa Wadooyinka Isla Markaana Waxa intaa ku dartey inay si iskooda ah ay u fulinayaan Howlaha nadaafadeed ee Baydhabo.